Xafiiska Xoojinta Dhaqaalaha iyo cilmibaarayaal ka socda Jaamacadda Michigan Waaxdeeda Adeegga Bulshada waxay wada shaqeyn doonaan Cilmibaareyaasha Pan Atlantic si ay u sameeyaan Daraasadeynta CollegeBound Boost.
Ujeedka Daraasadeynta
Laga bilaabo sannadkii 2020, carruurta ku dhalata Saint Paul oo dhan koontada lacagta kuleejka waxaa u diyaarinaya Magaalada oo waa barnaamij cusub oo la yiraahdo "CollegeBound Saint Paul." Dhammaan carruurta ku dhalatay kuna nool Saint Paul 1dii Jannaayo, 2020 ama ka dib ayaa loo furayaa koontadaas. Magaalada Saint Paul waxay tijaabinaysaa xeelado cusub oo ah hal-abuur taageero maaliyadeed oo dheeraad ah oo la siinayo qoysaska. Waxaa laga yaabaa in aad xaq u yeelataan barnaamijka oo waxa ay ku xiran tahay waa cinwaanka iyo dakhliga qoyska.
Haddii aad xaq u yeelato in aad ka qeybgasho daraasadda, si ah qorituur ayaa laguugu meeleyn doonaa mid ka mid ah saddexda kooxood ee jawaabaha oo soconaya ilaa iyo muddo ah 24 bilood.
Waxaa lagugu qorayaa mid ka mid ah saddexdaas kooxood:
1. Lacagkeydin dheeraad ah oo la soo gelinayo koontada CollegeBound Saint Paul ee ilmahaaga; $250 saddexdii biloodba mar ilaa 12 bilood wadar ah $1,000); ama
2. Dakhli dheeraad ah oo ah $500 bishii 24 bilood oo ay weheliso lacagkeydin dheeraada oo ah $250 saddexdii biloodba mar ilaa 12 bilood oo toos u galeysa koontada ilmaha; ama
3. Sii-wadasho ah koontada CollegeBound Saint Paul ee aad ku haysato $50 oo ah lacagdhigaalka ugu horreeya iyo fursadaha lagu helo bakhshiishka.
Lacag-qaadasho
Koox kasta oo lagugu qoro waa hab aan kala sooc lahayn, dadka ka qaybgaleyaasha ah ee CollegeBound Boost waxay heli doonaan fursad ay ku qaataan $120 oo ah kaar hadyadeed. Waxaad heli doontaa $40 oo ah kaarka hadyadda ee VISA oo waa mahadcelin yar dadka ka qeybqaadanaya daraasadda, iyo $40 dheeraad ah oo ah kaar hadiyadeed oo aad ku dhammaystireyso daraasad kooban 12 iyo 24 bilood gudahood.
Toddobaad gudihiis ayaad boostada intarnetka ku heli doontaa farriin jawaab ah ama soo garaac xafiiska cilmibaarista ee Pan Atlantic Research iyo faahfaahih dheeraad ah oo ku saleysan kooxda laguugu dari doono si nasiib ah. Fadlan la soco farriinta kaaga imaan doonta collegeboundboost@panatlanticresearch.com.
Hal mar sannadkii (qiyaastii 12 iyo 24 bilood ka dib markaad bilowdo in aad ka qeybqaadato daraasadeynta), waxaan laguula soo xiriiri doonaa si aad uga jawaabto daraasad kugu qaadan doonta 15-daqiiqo ah oo ku saabsan waxaad la kulanto iyo macluumaadka kale ee fayaqabka adiga iyo ilmahaaga, waxaad ka filaneyso waxbarashada ilmahaaga. iyo sida aad mustaqbalka u qorsheyneyso. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in lagu soo weydiiyo su'aalo, sida Muddo intee le'eg ayaad fileysaa in ilmahaagu kuleej dhigan doono? ama Qoyskaagu hadda miyey lacag waxbarasho oo ah mustaqbalka u keydiyaan ilmaha?
Su'aalaha qaarkood waxay noqon karaan kuwo caadi ahaan xasaasi ah. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in lagu soo weydiiyo su'aalo ku saabsan culeyska dhaqaalaha, sida Qoyskaygu waxay haystaan lacag ku filan oo ay isaga ku bixiyaan guriga ay rabaan, ama su'aalo ku saabsan caafimaadka dhimirka sida inta jeer ee aad dareentay murugo ama kelinimo bishii la soo dhaafay. Khasab idinkuma aha in aad ka jawaabtaan su'aalaha aad u aragtaan in ay yihiin xasaasi; waxaad ka boodi kartaa su'aashii aad rabto oo daraasadda ku jirta.
Kadib marka dadku ka soo jawaabaan daraasad kasta, waxa ay Jaamacadda Michigan ka heli doonaan $40 kale oo ugu jirto VISA kaar.
Si aan u dhammeystirno daraasadeynta, macluumaadka jawaabta ah ee lagaa helayo waxaa lagu calaamadin doonaa aqoonsi gaar ah iyo macluumaadka ku saabsan in aad ka qeybqaadatay daraasadeynta iyo koontada ilmahaaga ee CollegeBound Saint Paul. Gaar ahaan, waxaan heleynaa xogta barnaamijka CollegeBound Saint Paul sida taariikhda aad soo gashay bogga internetka, nooca iyo lacagta aad koontada geliso, iyo xogta kale ee la xiriirta sida aad ula soo macaamiisho barnaamijka CollegeBound Saint Paul. Sida xogta lagaa helay ee macaamilkaaga iyo lacagta koontada la geliyo ee ka imaaneysa markaad ka qeybqaadato daraasadda.
Faa'iidooyinka
Marka laga qeybqaato daraasadeynta waxa nalaku caawinayo waa in aan si fiican u fahamno sida loo horumarin karo barnaamijyada Magaalada si kor loogu qaado fayaqabka carruurta iyo qoysaska Saint Paul. Waxa kale oo laga yaabaa in aan mar kale kula soo xiriirno mustaqbalka si waxyaabo dheeraad ah laguu soo weydiiyo. Haddii ay taasi dhacdo, wax kale oo ah dhiirigelin ayaa laguu soo dirayaa.
Khataraha
Ka-qeybqaadashada daraasaddan wax dhib khatar ma laha haba yaraatee. Si kastaba ha ahaatee, mar kasta oo la wadaagayo macluumaad, waxaa jirta khatar ah in si aan sidii loogu talagalin loo shaaciyo. Kooxda cilmibaarista waxay isticmaalayaan habraac adag oo uu amniga xogta aad ugu sugan yahay, iyadoo la hubinayo in khatartu aad u yar tahay.
Qofkii raba ayaa ka qeybqaadanaya daraasadeynta. Haddii aad diiddo in aad ka qaybgasho, ma jiri doonto wax ciqaab ama saameyn ah oo ku imaan karta xiriirka aad la leedahay mid ka mid ah barnaamijyada Magaalada Saint Paul. Waxaad ka boodi kartaa su'aal kasta oo ku jirta daraasadda oo waxaad ka hari kartaa markii aad rabto oo ma kugu dhici karto wax ciqaab ah. Haddii aad ka harto daraasadda, waxaad weli fursad u sii haysataa in aad 12 iyo 24 bilood ka soo jawaabto oo aad hesho kaarka hadiyadda ee Visa oo ay kuugu jirto $40 oo dheeraad ah.
Cilmibaarayaashu waxay macluumaadka dadka u ilaalin doonaan siyaabo dhowr ah. Macluumaad kasta oo dadka lagu aqoonsan karo sida magacyada iyo taariikhda dhalashada waxaa loo tirtirayaa sida ugu dhakhsaha badan oo waxaa lagu beddelayaa lambar ah aqoonsiga daraasadda. Macluumaadka dadka waxaa lagu akhrisan karaa fureyaal shaashadeed. Xubnaha kooxda mashruuca oo keliya ayaa haysta oggolaansho gaar ah oo loo oggol yahay si ay u arkaan xogta. Ma jiro qof ka socda Magaalada Saint Paul oo awood u yeelan kara in uu arko xogta daraasadda.
Yaa arki karaa diiwaanka qoraalka cilmibaarista?
Jaamacadda, meelaha kafaala qaadaya dhaqaalaha daraasadda ama maalgeliyeyaasha, hantidhowrka, iyo/ama Guddoonka Dibu-eegista Cilmibaarista (IRB) ayaa laga yaabaa in ay u baahdaan macluumaadka si ay u hubiyaan in daraasadda looga shaqeeyey si badqabid leh oo habboon.
Maxaa lagu sameyn doonaa macluumaadka la soo uruuriyey ee daraasadda?
Macluumaadka dadka waxaa loo wadaagayaa si loo go'aamiyo sida xaq loogu yeelanayo daraasadda (cinwaanka, taariikhda dhalashada ilmaha, xiriirka masuulka ilmaha, iyo faa'iidooyinka iyo macluumaadka dakhliga), waxa lala wadaagi doonaa Magaalada Saint Paul si ay kuugu diwaangeliso CollegeBound Boost. Jawaabaha daraasadda ee gaarka ah ma lala wadaagayo Magaalada Saint Paul. Waxa keliya ee si guud loogu sheegayo waa jawaabaha la isu geeyey.
Waxaa macluumaadka dadka laga uruuriyo loo hayn doonaa mashaariicda kale ee cilmibaarista mustaqbalka. Magacyada iyo macluumaadka kale ee sida toos ah la isugu aqoonsan kara waxa la gelin doonaa meel ammaan iyo gooni kaah macluumaadka cilmibaarista dadka laga soo uruuriyoo. Xiriir kasta oo ka dhexeeya lambarka aqoonsiga ee daraasadda iyo macluumaadka aqoonsiga dadka sida ugu dhakhsaha badan ayaa looga bixinayaa ka dib markay hawshu dhammaato. Waxa laga yaabaa in ay cilmibaareyaashu dadka mar kale la soo xiriiraan hal iyo laba sano gudahood oo waa wax qeyb ka ah mashruuca. Natiijooyinka daraasaddan waxaa lagu soo qori doonaa maqaal ama qoraal kooban oo ah bandhig, laakiin lagama hadli doono wax macluumaad ah oo dadka lagu aqoonsan karo.
Macluumaadkeyga ma loo isticmaali doonaa cilmibaaris ah mustaqbalka ama lala sii wadaagi doonaa meelo kale?
Habka ugu wanaagsan ee lagu sii wadayo hawsha cilmibaarista waa in loo oggolaado kooxaha cilmibaarista mustaqbalka si ay u xaqiijiyaan oo ay u sii tijaabiyaan wixii natiijo ah oo ay hesho kooxda cilmibaarista. Waxa la raacayo waa habdhaqanka ugu wanaagsan. Waxaan ilaalineynaa xogta dadka oo marka hore waxaa laga bixinayaa wax kasta oo dadka lagu aqoonsan karo. Daraasadaha mustaqbalka ayaa markaas sii socon karta iyada oo aan oggolaansho dheeraad ah la isaga baahan.
Yaan kala soo xiriiri karaa hawsha daraasadda?
Fadlan la soo xiriir cilmibaareyaasha hoos ku qoran:
- Hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan daraasadda
- Weydii wixii su'aalo ku saabsan habka daraasadda
- U sheeg wixii ah jirro, dhaawac, ama dhibaato kale (waxaa laga yaabaa in aad u sheegto dhakhaatiirtaada caadiga ah)
- Ka bax daraasadda ka hor inta aysan dhammaan
- U soo sheeg walaacaaga daraasadda
Madaxa Cilmibaarista: William Elliott, PhD
Boostada Intarnetka: parent.survey@umich.edu
Taleefanka: (lacag-la'aanta) 1-833-842-1248
Haddii aad su'aalo ka qabto xuquuqda dadka ka qeybqaadanaya cilmibaarista, ama aad rabto in aad hesho macluumaad, ha weydiin wixii su'aalo ah ama welwel ah ee ku saabsan daraasaddan qof aan ahayn cilmibaareyaasha), fadlan la soo xiriir dadka soo socda:
Jaamacadda Michigan
Guddoonka Dibu-eegista Cilmibaarista Culuunta Caafimaadka iyo Habdhaqanka (IRB-HSBS)
2800 Plymouth Road
Building 520, Room 1169Ann Arbor, MI 48109-2800
Taleefanka: 734-936-0933 ama lacag la'aan (866) 936-0933
Fakiska: 734-936-1852
Boostada Intarnetka: irbhsbs@umich.edu
Khadka Tooska ah ee Raacista Sharciga ee Jaamacadda Michigan 1-866-990-0111.
Markaad buuxiso macluumaadka hoose, waxa aad oggolaatay waa in aad ka qeybqaadaneyso daraasaddan. Fadlan si buuxda uga jawaab macluumaadka si loo go'aamiyo in aad xaq u yeelan karto daraasadda.
Qof ka mid ah shaqaalaha cilmibaarista ee Pan Atlantic Research ayaa kugula soo xiriiri doona boostada intarnetka, qoraal ahaan ama taleefan ahaan ka dib markaad u soo gudbiso foomkan (1) si laguu ogeysiiyo in aad ka qeybqaadaneyso daraasaddan, iyo (2) si laguu weydiiyo xaqiijin ah in aad ka qeybqaadaneyso daraasadda. Haddii aadan xaq u lahayn daraasaddan, Magaalada Saint Paul ayaa kugu soo ogeysiin doonta boostadaada intarnetka.
Haddii aadan macluumaadka ku buuxin karin intarnetka, fadlan kala xiriir Pan Atlantic Research taleefankooda 651-356-8068 si aad macluumaadkaaga ugu bixiso taleefan ahaan.